Baledweyne, Mareeg.com: Maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo dhawaan uu ka dhacay qaraxa dad badan ku dhinteen ayaa amar ku bixiyey in dadka magaalada u dhalan ay 24 saac ku baxaan.
Gudoomiyaha degmada Cabdi Bishaar ayaa amray dadka aan magaalada u dhalan iney muddo kooban uga baxaan magaalada Baledweyne, wuxuuna sheegayin aanay u dulqaadan doonin dadka magaalada soo galaya ee dhibaatada ka abuuraya.
“Waxaan fareynaa in dadka aan u dhalan degmada ay muddo 24-saac uga baxaan, dhowr jeer ayaan ugu baaqnay inay nabada nagala shaqeeyaan, waa nagula fahmi waayeen, marka waa iney baxaan” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Baledweyne Cabdi Bishaar.
Cabdi Bishaar ayaa sheegay in damiin looga haabanyahay dadka aan u dhalan magaalada, hadii la heli waayo qof damiin ama mas’uul ka ahna ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Gudoomiyaha degmada Beledweyn ayaa ka dalbaday dad horay ay u qab qabteen ciidamada ammaanka iyo kuwii damiintayba inay iska soo xaadiriyaan xabsiga dhexe, si loo ogaado wararka sheegaya in maxaabiis laga sii daayay xabsiga inay ka mid ahaayeen kooxihii weerarka qaaday maalin ka hor.
Alshabaab ayaa labo bilood oo sixiga labo qarax oo da badan ku dhinteen ka geystay magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.
Mareeg.com