Baledweyne: Askari Reer Jabuuti Ah Oo Ku Dhintay Walxo Qarxa Oo La Burburinayey

Baledweyne, Mareeg.com: Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in askari Jabuutiyaan ah oo ka tirsanaa ciidamada Midowga Afrika uu dhintay, labo kalena dhaawacmeen kadib qarax ka dhashay burburinta walxaha qarxa gudaha magaalada Baledweyne.

War-saxafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in saddex askari ay ku dhaawacantay qaraxa iyadoo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, waxaana warka lagu sheegay in qaraxaasi dhacay maalintii Jimacah.

Askarta dhimashada iyo dhaawacu gaaray ayaa ka tirsan kooxda miino-saarista ee ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Madaxa Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa uga tacsiyeeyay ciidanka Jabuuti ee jooga Soomaaliya iyo dadka Jabuuti geerida ku timid askariga.

Annadif ayaa askarta dhaawacantay u rajeeyey caafimaad deg-deg ah, waxaana askarigaan dhinta noqonayaa kii 3-aad ee Jabuuti uga dhinta Baledweyne.

Mareeg.com