Baledweyne: Alshabaab oo lagu eedeeyey qafaalka 7 gaadiid ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baledweyne: Alshabaab oo lagu eedeeyey qafaalka 7 gaadiid ah

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in meel ka baxsan magaalada Alshabaab ka qabsadeen 7 gaari oo nuuca xamuulka ah, kana shaqeeya daabulka dhagaxa iyo carrada dhismaha.

Mid ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka, oo codsaday inaan la xusin magaciisa sabab ammaan darteed, ayaa sheegay in Alshabaab ay afduubteen gawaarida, xilli ay ka shaqeynayeen suuq dhismihiisu ka socdo xaafadda Buundo-weyne ee magaalada Beledweyne.

Wuxuu tilmaamay inuusan garanayn halka raggaas la aaddeen gawaarida iyo dadkii weday, ayna codsanayaan in dib loogu soo celiyo.

“Waxaan ahay qof xoog-sato ah oo ka madax-bannaan siyaasad iyo wax la mid ah,” ayuu yiri dhibbanahaas.

Duqa Magaalada Baladweyne, Cumar Aadan Ibraahim ayaa ku eedeeyey Alshabaab iney qafaasheen gaadiidkaas dadka loogu adeegayay.

Alshabaab ayaa inta badan qabsada gaadiidka ka shaqeeya mashaariicda ay diidan yihiin, waxeyna mararka qaar kula dhaqaaqaan gubitaan.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!