Mareeg.com: Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dishay guri ku yaalla xaafadda Howl-wadag ee magaalada Beledweyne nabadoon lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Xassan [Axmed Siyaar] wiil 8 sanno jir ah oo uu dhalay iyo ruux ilaalo u ahaa oo la sheegay in uu adeer u ahaa.
Kooxda hubeysan ayaa markii hore la sheegay iney rasaas huwiyeen guriga nabadoonka, kadibna ay gudaha u galeen, islamarkaana dileen nabadoonka iyo wiil yar oo uu dhalay, islamarkaana dhaawaceen labo dumar ah.
Dableyda ayaa guriga ka kaxeystay wiil uu nabadoonka la dilay adeer u ahaa, waxaana saaka meydkiisa oo madax laga jaray lagu arkay meel ka baxsan magaalada.
Guriga uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammada maamulka gobolka Hiiraan, hasse ahaatee ma jirto cid ay ciidammada u qabteen falka dlka ah ee loo geystay saddexda ruux ee isku qoyska ka soo wadda jeeday.
Dhawaan ayeey aheyd markiii xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne kooxo hubeysan ku dilleen ganacsade Cumar Max’ed Nuur [Xaaji Quroow] oo ilaa iyo hadda dilkiisa cidna loo soo qaban.