Baled-xaawo: Xiisad Ka Dhexjirta Ciidamada Dowladda Iyo Ahlusuna Waljamaaca

Read Time:1 Minute, 13 Second

Baled-xawo: Wararka ka imaanaya degmada Baled-xaawo ee gobolka Gedo ayaaa sheegaya in halkaas ay ka jirto xiisad shalay laba kacleysay kadib markii halkaas galabnimadii Jimacaha ay isku rasaaseeyeen ciidamada dowlaada Soomaaliya iyo kuwa Ahllusunna Waljamaaca.

Xiisada labada dhinac ayaa la sheegay iney salka ku heyso qaraxyo iyo dilal horay uga dhacay madaalada Baledxaawo, iyadoo ay arrinta sii cusleeyeen qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee gobolka gedo oo la saftay maamulka Juba ee Axmed Madoobe hofaamiyo, kaasoo ay aad I necb yihiin wadaada Ahlusuna Waljaaca.

Dhaq dhaqaaqii dadweynaha ku dhaqan Balad-xaawo ayaa gaabis uu ku yimid, iyadoo baqdin laga qabo in halkaasi dagaal ka qarxo, halka dhanka kale ay waan waan billaabeen Masuuliyiinta maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka shalay galab dhexmaray labada dhinac maray ay ku dhinteen 2, oo mid ka mid ahaa rayid, waxaana socda waan waan la doonayo in xiisada lagu qaboojiyo.

Afhayeenka Ahlusuna ee Koofurta Soomaaliya Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka yimid degmada Doolow, ayna iska difaaceen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ka yimid Doolow ay taabacsan yihiin Maamulka KMG ah ee Jubba, isla markaana ay doonayaan in deegaanada Gedo hoostagaan maamulka Juba.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa dhowaan la mideeyay, kadib markii wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho ku tagay degmada Garbahaarey, hase ahaate khilaaf ayaa soo kala dhex galay kadib qaraxyo ka dhacay Baled-xaawo.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %