Balcad: Gudoomiye cusub oo xilka lagu wareejiey kadib duurka loo diray Xaadoole * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Balcad: Gudoomiye cusub oo xilka lagu wareejiey kadib duurka loo diray Xaadoole

Balcad – Mareeg.com: Gudoomiye xusub ayaa maanta lagu wareejiyey maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii halkaas si awood ah looga ceyriyey gudoomiyihii hore ee degmadaan Cusmaan Xadoole, kaasoo diiday inuu xilka wareejiyo.

Munaasabad lagu qabtay degmada Balcad ayuu xilka kula wareegay gudoomiyaha cusub ee degmadaas Maxamed Maxamuud Maxamed (Saney Taakey), iyadoo uu magaalada ka maqanyahay gudoomiyihii hore Cusmaan Xaadoole.

Waxa xil wareejinta halka dhinac ah ka qeybgalay afaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, Cali Abtidoon Xalane, gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Balcad Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inuu xooga saarayo maamulkiisa sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa, isla markaana loo hormarin lahaa bulshada ku dhaqan degmada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo adeega guud bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Abtidoon Xalane oo hadlay ayaa sheegay in maamulo loo dhisayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka, isagoo xusay in maamulada ay noqon doonaan kuwo KMG ah, si loogu gudbo maamulo dadku ay soo doortaan.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa isaguna khudbad uu ka jeediyay munaasabada ku soo dhoweeyay magacaabista Gudoomiyaha cusub, isla markaana balan qaaday in xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn ay dhex mari doonto isaga iyo Gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyihii hore ee degmada Balcada, Cusmaan Xaadoole iyo maleeshiyo uu wato ayaa la sheegay iney ku sugan yihiin deegaan ka baxsan degmada Balcad, kadib markii uu dagaal uu ku guuldareystay la galay dowladdii xilka u magacaawday.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!