Bakool: Gaadiid ganacsi oo Alshabaab laga soo celiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Bakool: Gaadiid ganacsi oo Alshabaab laga soo celiyey

Mareeg.com: Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay iney Alshabaab kazoo furteen gaadiid ganacsi oo ay ku heysteen deegaan hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Waajid ee Gobolka Bakool, C/laahi Aadan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya Alshabaab kazoo dhiciyeen gaadiid u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed. Howlgalka ayuu sheegay inuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafaale.

C/laahi Aadan Yariisow ayaa sheegay in gaadiidka Al-shabaab laga soo furtay ay gaarayaan ugu yaraan 7-gaari oo ganacsato Soomaaliyeed u rarnaa islamarkaana Al-shabaabku ay afduub u haysteen, sida uu yiri.

Gudoomiyaha ayaa sheegay gaadiidkaas ay ku wareejinayaan ganacsatadii Soomaaliyeed ee horay looga afduubtay.

Alshabaab ayaa horay u go’doomisay degmooyinkii horay dagaalka looga saaray ee Waajid ka mid tahay, waxeyna ganacsatada u diideen iney agab geeyaan degmooyinka ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!