Bakool: Dadka oo ka barakacaya deegaanada dagaaladu ka socdaan

Read Time:41 Second

Waajid – Mareeg.com: Daddka shacabka ah ayaa bilaabay iney ka barakacaaan qaar ka mid ah deegaanada gobolka Bakool, halkaasoo dagaallo ku dhexmarayaan ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Alshabaab.

Deegaanno dhowr ah oo ay gacanka ku dhigeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo deegaano ay kusii jeedaan ayaa xilligaan la sheegay inay isaga barakacayan dadka shacabka ahaa ee ku noolaa.

Labo sababood ayaa la sheegay in dadka uga cararayaan deeganadii ay ku noolaayeen, kuwaasoo kala ah cabsi ay ka qabaan in ciidamada Itoobiya dhibaato u geystaan iyo Alshabaab oo dadka ugu yeeray iney ka baxaan deeganada ay la wareegaan ciidamada Itoobiya.

Barkaca waqtigaan ayaa culeys weyn ku ah shacabka ku nool gobolkaas, iyadoo lagu guda jiro bilaha jiilaalka oo kuleyl badan ka jiro Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %