Bahabshiil Oo Guul Horudhac Ah Ka Gaartay Dacwadii Kala Dhaxeysay Baanka Barclays

Read Time:2 Minute, 0 Second

Lonodn – (Mareeg.com): Maxkamadda sare ee dalka Britain ayaa go’aamisay in Baanka Ingiriiska ah ee Barclays uusan xirir Karin akoonada xawaaladda Dahabshiil ku ledahay Baankaas inta laga soo gebagebeynayo dacawadda u dhaxeysa Dahabshiil iyo Barclays, arrintaas oo baanku horay u go’aansaday.

Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee London ayaa amar ku bixiyey in bangiga Barclays aanu xirin xisaabta u furan shirkadda Dahabshiil. Xaakinka ayaa amray in xisaabta Dahabshil ay furnaato tan iyo inta laga soo gabagabaynayo dacwad la xiriirta arrintaas. Dhagaysiga dacwaddan ayaa la filayaa inay billaabato sanadka soo socda.

Shirkada Dahabshiil ayaa iyaduna ku dhowaaqday inay ku guuleysatay dacwadii u dhexeysay bangiga ku yaal dalka Ingiriiska ee Barclays Bank taasoo ahayd in la xiro xisaabaadka Dahabshiil uu ku lahaa bangigaas.

Madaxa Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka ay gaartay maxkamada sare ee dalka Ingiriiska ee ah in xisaabaadka bangiga Dahabshiil uu sii socon doono.

“Tani ma ahan guul ay gaartay Dahabshiil oo keliya, laakiinse waa guul u soo hoyatay guud ahaan malaayiinta Soomaalida ah iyo Afrikaanka kale ee ku tiirsan howlaha ay shirkaddu u qabato,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kazoo baxay madaxa Shirkadda Dahabshiil.

Baanka Barclays ayaa horay u xiray dhamaan akoonada xawaaladaha Soomaalida, hase ahaatee Xawaaladda Dahabshiil ayaa iyadu dacwad ka dhan ah Barclays u gudbisay maxkamadda sare ee dalka UK.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aanka ay gaartay Maxkamadda sare ee dalka Britain, kaasi oo lagu go’aamiyay in Bankiga Barclays uu sii wado adeegga uu u hayay dadka Soomaaliyeed ee xawaaladaha.

“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda sare ee dawladda Britain, waana mid farxad geliyay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka walaacsanaa in ay waayaan lacagaha ay eheladooda uga soo diraan dalka dibadiisa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara oo ku aadan sii wadista adeegyada xawaaladdaha Soomaalida.

“Waa in dawladda, maamulayaasha xawaaladdaha iyo madaxda Bankiga ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nadiif ah dhinacyaduna ku qanacsan yihiin” ayuu sidoo kale yiri Saacid.

Dawladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirtay bilihii u dambeeyey sidii loo hakin lahaa go’aanka Bankiga Barclays uu ku joojinayo accountiyada lacagaha la sii marsiiyo ee shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida, waxaana go’aanka Maxkamadda uu ka tarjumayaa miraha dadaalkii madaxda dawladda iyo shirkaddaha xawaaladaha.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %