Baay: Haween Ka Shaqeynayey Urur Maxalli Ah Oo La Afduubay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baay: Haween Ka Shaqeynayey Urur Maxalli Ah Oo La Afduubay

Baydhabo – Mareeg.com: Gandbo 3 ah oo u shaqeynayay urur maxaliga ah oo lagu magacaabo GREDA oo wada-shaqeyn la leh hay’adda laga leeyahay dalka Norway ee NRC ayaa lagu qafaashay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee gobolka Bay.

Markii la afduubayey gabdhahaan saddexada ah ayaa waxey howlo caafimaad ka wadeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Baay, waxaa shaki laga qabaa in qolada afduubay haweenkaas ay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Mid ka mid ah gabdhaha la afduubtay oo la yiraahdo Sucaado Ibraahim Bayow ayaa aabaheed Ibraahim Bayow waxuu guddoomiye degmo ka ahaan jiray magaalada Baydhabo.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa Alshabaab labo dhaqtar oo u shaqeynayey hay’adda WHO ka qafaashay degmooyinka Buurhakaba ee gobolka Bay iyo Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool.

Waxaa jira warar sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku hayaan 16 qof oo u shaqeynayay hay’ado samafal, kuwaasoo ay kala qabteen gobollada Bakool, Baay iyo Jubbada dhexe.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More