Baasaboorro khalad loo qaatay oo lasoo celinayo

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa iney dib usoo celiso baasaboorro dublamaasi oo si khaldan loo qaatay iyo sidoo kalana xadideysa qaadashada baasaboorkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in baasaboorka dublamaasiga uu qaato qofkii dowladda ka tirsan ama oo siyaasi ah, balse aanu qaadan karin qof aan dowladda ka tirsanayn oo shacab ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in baasaaboorka dublamaasiga ah ee Soomaaliya ay qaateen dad gara badan oo aan loogu talagelin.

“Baasaboorka dublamaasiga ah waa mid loogu talogalay inay qaataan siyaasiyiinta dowladda ku jira, balse ma ahan in qof walba uu iska qaato, waxaadna arkaysaa in qof walba uu iska qaato,” ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Bayle.

“Qof walba ayaa iska sita baasaboorka, waxaana naga go’an inaan ka hortagno in cid walba ay iska qaadato, kuwii horay loo siiyayna waa laga soo celin doonaa,” ayuu sidoo kale yiri wasiir Beyle.

Wuxuu sheegay wasiirku iney qasab tahay in qaadashada baasaboorkan sharci loo maro, uuna arrintan horgeyn doono golaha wasiirrada si wax looga qabto arrintan.

C/raxmaan Duycaale Byele waa wasiirkii ugu horreeyey ee qabta wasaaradda arrimaha debadda eek u dhawaaqa in baasaboorka dublamaasiga dib looga soo celinayo dadkii sida khaldan ku qaatay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245