Baasaboorka Soomaaliya (E Passport) Oo Lagu Been Abuuray Deegaanada Somaliland

Read Time:1 Minute, 52 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa manta si rasmi ah u sheegtay in markii ugu horreysay la ogaaday in la been abuuray baasaboorka hadda shaqeeya ee Soomaaliya ee loo yaqaano “E Passport”.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo shir jaraa’id maanta ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hadalkan sheegay, wuxuuna soo bandhigay baasaboorada 5 qof oo laga soo celiyey garoomada dalka Kenya, kuwaasoo watay E Passport la been abuuray.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkan laga soo celiyey Kenya ee loo soo gacan geliyey baasaboorrada ay wateen ay yihiin dad ka tegay deegaanada Somaliland, wuxuun Jen. Gaafow xusay iney heleen warar sheegaya in meelo ka mid ah Somaliland lagu sameeyo E Passport-ga Soomaaliya oo la been abuuray si loogu ciyaaro baasaboorka Soomaaliya.

Jen. Gaafow ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha maamulka Somaliland iney joojiyaan dadka ku howlan sameynta baasaboorka been abuurka ah ee Soomaaliya.

“Nasiib wanaag anagu waan ka baxnay baasa boorada la been abuuranayo, laakiin baasoboorka cusub ayaa la isu dayay in laga been abuurta, waayo fariin ay Kenya noo soo dirtay ayaa naloogu sheegay inay soo celiyeen shan qof oo baaso boor been abuur ah watay, waxaana Somaliland ka codsanaynaa in ay ka hortagaan dadka ka been abuuranaya (E Passport).” ayuu yiri Jen. Gaafoow.

Maamulka Somaliland ayaa horay deeganadooda uga mamnuucay E Passport-ga dalka Soomaaliya iyagoo sheegay ineysan aqoonsaneyn, waxeyna xireen xafiis laga soo diiwaan gelijiray dadka raba E Passport.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xoriyaddoodii u soo celisay shan dhalinyaro ah oo muddo 45 Maalmood ah xarunta dambi-baadhista ee CID-da ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ku eedaysnaa inay Hargeysa ku bixinayeen baasaaboorka Soomaaliya oo Somaliland laga Mabnuucay.
Dhinaca kale, guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka magaalada Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi, ayaa go’aan uu soo saaray kusoo daayey 5 dhallinyaro ah oo 45 maalmood u xirnaa iney sameyn jireen baasaboorka Soomaaliya.

Maxkamadda Hargeysa ayaa magacyada dhallinyarada ay sii deysay ku sheegay:
1. Hinda Nuur Cige.
2. Maxamed Nuur Cumar.
3. Khaalid Maxamed Nuur.
4. Mahad Ismaaciil Cabdi.
5. Barkhad Sh Xuseen.

Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa horey u soo bandhigay dad la sheegay iney ku safrayeen baasaboorkii hore ee cagaarnaa kadib markii lagu beddalay baasaboorka cusub ee “E-Passport”.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %