Baarlamanka UK oo u codeeyey Falastiin noqoto dowlad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka UK oo u codeeyey Falastiin noqoto dowlad

Mareeg.com:- Xubnaha Barlamaanka Britain ayaa si aqlabiyad ah waxay ugu codeyeen baaq ku aadanaa in xukuumada Britain ay aqoonsato Falastiin in ay noqoto dowlad.

Wasiirada dowladda ayaa ka gaabsaday in ay codkooda ka dhiibtaan mooshinka.

Hasayeshe natiijada ma aha mid wax ka badelaysa siyaasada Britain ee ku aadan aqoonsiga Falastiin, laakinse waa un astaan.

274 xildhibaan ayaa u codeyey mooshinka, halka 12 kalena ay diideen .

Natiijada ka soo baxday mooshinka ay ka turjumayso aragtida laga qabo Israa’il ee inta badan shacabka Yurub ay ka qabaan, arrintaas oo sii xoogeysatay horaantii sanadkan kaddib markii Israa’il ay weerar ku qaaday Qaza.

2012-kii Gollaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyey in uu sara u qaado heerka Falastiin ee Qaramada Midoobe waxaana loo ogolaaday in ay noqoto korjeego aanan xubin ka ahayn Qaramada Midoobe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!