Baarlamanka Uganda Oo Aqoon Kororsi U Qabanaya Xildhibaano Soomaali Ah

Read Time:45 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Wefdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeylaani Nuur Ikaaar ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay uga qeyb-galayaan aqoon siweydaarsi ay kala qeybgelayaan baarlamaanka dalka Uganda.

Wafdigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa dalka Uganda uga qayb galaya aqoona iswaydaarsi ku aadan xeer hoosaadka baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo la hadlay Warbaahinta kahor inta aysan ka amba bixin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa sheegay in xildhibaannada ay ka qeyb geli doonaan aqoon kororsi ay soo qaban qaabiyeen baarlamaanka dalka Uganda.

Iikar ayaa sheegay in aqoon iswaydaarsigan diiradda lagu saari doono xeer hoosaadka gaar aahan horumarinta xeer hoosadka gudiyada baarlamanka.

Qorshaha ka qeybgalka xildhibaanadan ee aqoon kororosiga ayaa qeyb ka ah dhaqan gelinta heshiiskii ay kala saxiixdeen guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka Soomaaliya iyo Uganda.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %