Baarlamanka Soomaaliya Oo UN Ka Codsaday Khubaro Ku Caawisa Nidaamka Doorashada

Read Time:57 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in lagu taageero khubaro sharci oo ka gacan siiya nidaamka doorashooyinka, iyadoo lagu wado in dalka Soomaaliya sanadka 2016 laga sameeyo qorshe lagu soo dooranayo xildhibaanada.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Seekh Cusmaan JAwaari ayaa oo manta khudbad u jeediyey xildhibaanada ayaa in ay ka dalbadeen Qaramada Midoobay soo diritaanka gudi Khuburro ah, kuwaasi oo ka taageeri doona tallooyinka la xiriira xulashada nidaamka doorashooyinka.

Prof. Jawaari ayaa sheegay iney guddigaas khubaro u codsadeen si uu ugu fududeeyo diyaarinta shuruucda doorashooyinka, maadaama ay lagama maarmaan tahay in dalkan la gaarsiiyo marxalad ay dadku wax ku dooran karaan marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaannada markale xusuusiyey in mudada u harsan Golaha Shacabka oo ah Seddex sano ay tahay, balse uu aaminsanyahay in ay tahay hal sano maadaama shaqada ugu adag la qabanayo sanadka soo socda ee 2014-ka.

Jawaari ayaa usoo jeediyey xildhibaanada Golaha Shacabkana iney lagama maarmaan tahay inta aanan la xerin Kalfadhigan Seddexaad Baarlamaanku ka doodo nidaamka Axsaabta siyaasadda maadaama aanay dalka looga dhaqmin nidaam axsaabta mudo ka badan 40-Sano.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %