Baarlamanka Soomaaliya oo qaxooti badan kasoo qaaday dalka Yemen

Read Time:1 Minute, 38 Second

Mareeg.com: Saakay abaare 08:30 waxaa dekedda magaalada Berbera soo gaaray markab uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kireeyey ka qeyb qaadashada gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararaya dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan.

Markabkan oo howshiisa ay wadeen guddi uu Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno, qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen, siyaasiyiin iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Yemen hogaankooda ayaa waxa uu shalay kasoo ambabaxay dekedda Bureekha oo ku dhow magaalada Cadan ee dalka yemen.

Ex-Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka kana mid ah guddiga howshan gurmadka uu Baarlamaanku u xil saaray ayaa xaqiijiyey in saakay uu markabka u kireysan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo xertay dekedda Berbera islamarkaana ay saaran yihiin 960 qaxooti Soomaali ah iyo laba qof oo Yemeni ah.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa howshan ku gacan siinaya shirkad la yiraahdo ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa waxaana wejiga labaad ee dhameystirka howshan uu yahay in maalinnimada sabtida ay bilowdaan diyaaraddo lagu soo daabuli doono dadkan Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo in kadibna loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen gobolladooda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan in uu ka qeyb qaadanayo 22kii-April-2015 kadib markii ay go’aamiyeen taasi Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana lacagta uu Baarlamaanka ku deeqay howshan gurmadka ay tahay 300,000$ (Seddex Boqol kun oo doollar).

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhowaan bogaadiyey gurmadka loo sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen waxaana uu si guud ugu mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmad loo sameynayo walaalahooda kasoo laabanaya Yemen,sidoo kalena Somaliland iyo Puntland ayuu uga mahad celiyey sida ay dadkan usoo dhaweeyeen.

Dhanka kale, Agaasimaha Dekedda Berbera Cali Xaaji Cumar ayaa sheegay in dadka la socday dekedda ay ku sameeyeen baaritaan ka hor inta aysan soo degin, isagoo xusay iney u badan yihiin dad dhallinyaro ah oo da’doodu u dhaxeyso 17 ila 30 sano jir.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %