Baarlamanka oo ogolaaday in RW la siiyo 14 maalmood oo uu kusoo dhiso xukuumad kalsooni heli karta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka oo ogolaaday in RW la siiyo 14 maalmood oo uu kusoo dhiso xukuumad kalsooni heli karta

Mareeg.com: Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbiyey oo la xiriiray in la siiyo fursad 14 cisho ah oo ku doonayo in uu kusoo sameeyo latashiyo uu ku doonayo dhisidda Xukuumad kasban karta kalsoonida Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad kooban ka jeediyey furitaanka Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada u akhriyey qoraal uusoo gudbiyey xalay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kaasi oo uu ku aadanaa in Ra’isulwasaaraha uu dib ula noqday Magacaabidda Xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub islamarkaana uu Ra’isulwasaaraha ku codsanayey in la siiyo fursad 14 cisho ah oo uu ku sameeyo latashiyo ku aadan soo dhisidda Gole Wasiirro oo kasban kara kalsoonida Golaha Shacabka.

Hadal jeedinta Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib waxa uu Afhayeenka Golaha ka codsaday iney u codeeyaan codsiga Ra’isulwasaaraha ee fursad siinta taasina Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay u aqbaleen si caqlabiyad leh oo ma jirin Xildhibaanno diiday codsigaasi.

Gudoomiyaha Baaramaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gebagebadii kulanka Baarlamaanka ka sheegay in xeritaanka kulfadhiga 5aad ee Baarlamaanka oo horey loogu asteeyey 22ka bishan January oo dib u dhacayo ayadoo xeritaanka Kalfadhiga Baarlamaanka ee 5aad uu noqonayo bisha February ee soo socota Shanteeda waxaana uu ka codsaday Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iney keeneen warbixinnadooda la xiriira waxyaabihii u qabsoomay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!