Baarlamanka Soomaaliya oo meelmariyey miisaaniyadda 2015 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka Soomaaliya oo meelmariyey miisaaniyadda 2015

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay dowladdu ku shaqeyn doonto, taasoo ay maalmihii lasoo dhaafay ka doodayeen.

Kulanka  Barlamaanka oo  uu  maanta  shir guddoominayey gudomiye  ku xigeenka  kowaad  Barlamaanka Jaylaani  Nuuur Iikar  ayaa ka hor ansiinta waxaa warbixinta ku aadan wax ka badel lagu samaeeyey Miisaaniyadda sanadka  2015-ka  laga dhegeystay Guddiga Maalliyadda ee golaha Barlamaanka.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh, guddoomiyaha guddiga Maalliyadda Barlamaanka  Soomaaliya  ayaa sheegay in gudigu kulamo ay la yeeshey mas’uuliyiinta Wasaarada  Maalliyadda  iyagoo kala hadlay qodobadii Xildhibaanada ku taliyeen in wax laga bedelo.

Xoghayaha  guddiga Maaliyadda Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka  hadalayey ahmiyadda ay leedahay ansixinta Miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2015  oo tiro ahaan gaaraysa  USD 239.9 Milyan dollar.

Dhegaysiga  guddiga  Maaliyadda  ka dib ayaa loo gudagalay  codaynta ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowlada federaalka Soomaaliya oo ay goob joog ka  ahaayeen   Sii-hayaha  Wasiiru dowlaha  Wasaarada  Maaliyadda   Soomaaliya, C/llahi Maamed Nuur.

Waaaa Miisaaniyadda u codeeyey 148 mudane, 9 Mudane ayaa diiday, 5 Xildhibaana waa ay ka aamusay, sidaas darteed Miisaaniyadda. Ansaa Miisaaniyadda ayaa waaa ku dhawaaqay guddomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar.

Sida ka muuqanaysa warbixinta guddiga Maalliyadda Barlamaanka Soomaaliya, waxaana kula talagalka Miisaaniyadda 2015-ka oo dhan USD 239.9 Milyan, waxaa ka muuqda in Miisaaniyaddu u badan tahay kharashyada adeega maamulka taas oo looga qoondeeyay Miisaaniyadda joogtada ah USD 103.5 Milyan una dgiganata 43.1% ee Miisaaniyadda, hay’adaha adeega Difaaca iyo Amniga USD 88.3 Milyan una dhiganta 36.8% ee Miisaaniyadda, hay’adaha adeega Bulshada USD 7.8 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda iyo kuwa kale USD 20.2 Milyan una dhiganta 8.4% ee Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee Qaranka.

Sii-hayaha  xil Wasiiru  dowlaha  Wasaarada  Maalliyadda Soomaaliya   Cabdulaahi  Maxamed Nuur  oo  an  sixinta  miisaaniyadda   ka dib  la  hadalay    xubnaha  golaha  shacabka  Soomaaliya isagoo  kaga mahad celiyey   meel marinta   miisaaniyadda  dowlada  ee  2015-ka waxaana mudaniyaasha ku amaanay tallooyinka ka siiyeen Miisaaniyaddan sidii ay u meel mari laheyd.

Sii hayaha xilka wasiir-u-dowlaha wasaarada C/llaahi Maxamed Nuur ayaa markii la ansixiyay Miisaaniyadda u mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!