Baarlamanka Soomaaliya Oo Meel Mariyey Xukuumadda Raysul Wasaare C/weli Sheekh Axmed
Muqdisho – Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wax yar ka hor salaadda maqrib ee xilga Muqdisho talaadada manta si aqlibiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay R/wasaaraha Dalka C/wel Sheekh Axmed Maxamed ee ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiirudowle.
Kulankii maanta ee baarlamaanka waxaa uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana codeynta ka qeybgalay 234 xildhibaan.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 186 xildhinaan ogolaadeen xukuumadda cusub, halka ay ka soo horjeesteen 46, waxaana ka aamusay 1 mudane, sidaasi ayuuna ku sheegay in Xukuumaddu ay ansax tahay.
Baarlamaanka ayaa manta saacado badan u fhadhiyey dhegeysiga barnaamijka siyaasadeed ee Raysul wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo kalsooni siinta xukuumaddiisa, taasoo ku dhamaatay in xukuumadda la meel mariyey.
Mareeg.com
Comments are closed.