Baarlamanka Soomaaliya oo maanta dhageysanaya xisaab xirka miisaaniyadii 2013

Muqdisho – Mareeg.com: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhegeysanaya warbixin ku saabsan xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee sanakii 2013.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynta baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maanta baarlamaanku guddiga maaliyadda ka dhegeysanyo warbixin ku saabsan xisaabxirka sanadkii 2013.

Wasaaradda maaliyadda ayaa horay buuk uga diyaarisay xisaab xirka miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkii 2013, waxaana loo gudbiyey guddiga maaliyadda u qaabilsan baarlamaanka, kuwaasooo dhankooda manta baarlamaanka hor geynaya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245