Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka yeelanaya kulan uu uga hadlayo mooshinka ka dhanka RW Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xukuumadiida, waxaana la sugayaa in mooshinka la qeybiyo.
Waxaa la bilaabay adekeynta amaanka hareeraha baarlamaanka iyo wadooyinka ku dhow, waxaana ciidamo la tubay min KM4 ilaa Daljirka Dahsoon.
Waxaa gaadiidka laga mamnuucay jidka hormara baarlamaanka, waxaana kulanka maanta imaanayaa xilli gudoonka baarlamaanku sheegay in xildhibaanadu isla garteen in cod lagu kala baxo oo buuqa la joojiyo.
Saddex kulan oo hore ayaa baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ku fashilmay in la horgeeyo mooshinka codka kalsoonida loogala noqonayo RW Cabdi Weli iyo xukuumadiisa, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaandu buuq kala horyimaadeen.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.