
Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka u fariisanaya ka doodista mooshin ka dhan ah R/wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasoo todobaadkii hore loo qeybiyey xildhibaanada.
Inta aan la guda gelin ka doodista mooshinka ayaa la filayaa in la shaaciyo magacayada xildhibaanada saxiixay mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Saacid, kuwaasoo lagu sheegay ilaa 168 xildhibaan.
Doodan maanta ka dhaceysa baarlamaanka ayaa loo badinayaa iney noqoto mid kulul maadaama mooshinkaani ka dhashay khilaaf dhexmaray madaxweynaha oo raba in R/wasaaruhu xilka waayo iyo R/wasaaraha oo arrintaas ka horjeestay.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u muuqda kuwo la kala safan madaxweynaha iyo R/wasaaraha taasoo keeni karta iney adkaato in si fudud lagu kala baxo.
R/wasaaraha ayaa iminka sugaya inuu helo kalsoonida baarlamaanka ama uu waayo, waxaana la adkeeyey amaanka agagaarka baarlamaaanka.
Waxaa la xiray wadada hormarta baarlamaanka Soomaaliya, oo laga joojiyey gaadiidka dadweynaha iyo gaadiidka gaarka ah.
Wixii warar ah ee soo kordha Inshaa Allaah kala soco Mareeg.com