Baarlamanka Soomaaliya Oo Ka Dooday Badeladda Guddiyada Joogtada Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka Soomaaliya Oo Ka Dooday Badeladda Guddiyada Joogtada Ah

Muqdisho, Mareeg.com: Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta guda galay ka hadlida mooshin ku saabsan badalida gudoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee barlaamaanka ee ka kooban 16 guddi.

Mooshinkaas waxaa mudanayaasha u faah faahiyay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim oo ka mid ahaa xildhibaannadii mooshinka soo saxiixay.

Xildhibaannada oo ka dooday mooshinkaan qaar ka mid ah soo jeediyeen in aysan habooneyn in gudiyada joogtada ah isbadal lagu sameeyo sanad kasta, halka kuwa kalena ay sheegeen inay arrintaan muhiim tahay oo gudiyada la badalo sanadkiiba mar si howlaha baarlamaanka ay ku socoto si hufnaan ah.

Afkaar dhiibashada Xildhibaannada kadib ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay in arrintaan ay xildhibaannadu guda geli doonaan islamarakaa maalinta berito ah ay mudanayaasha go’aan ka gaarayaan.

“Waxaan soo jeedinaya in codeynta xildhibaannadu ay iminka yar yiihiin, islamarkaana aan berito ku bilaabanyo mooshinkaan, lana wargeliyo xildhibaannada si shaqada ugu horeys ay noqota codeynta mooshinkaan” ayuu gudoonka hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanada ayaa guda galay ajandaha labaad oo ahaa aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda daraasaadka badaha Soomaaliyeed, iyadoo xildhibaannadu soo jeediyeen talooyin iyo su’aalooyin ku saabsan dhismaha hay’addaan.

Guddoomiyaha hay’ada daraasaadka Soomaaliyeed oo ah taliyihii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Admiraal Faarax Axmed Cumar Faarax Qare ayaa xildhibaannada uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen, isagoo sheegay inay qaadanayaan talooyinkii ay soo gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Intaasi kadib guddoomiyaha xaquul insaanka, arrimaha beni’aadanimada, carruurta iyo haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya Xidhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa mudanayaasha baarlamaanka warbixin kooban ka siisay latashiyada dadweynaha ee ku saabsan xeerka xaquuqda aadanaha ee dalka oo hindise sharciyeed ahaan ay gudigooda ku howlanaayeen.

Maalinta berito ayaa lagu wadaa in mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya qeybta hore ee kulankooda waxa ay u codeyn doonaan mooshinka ku saabsan badal ku sameynta gudiyada joogtada ee baarlamaanka.

Qeybta dambe kulanka ayaa mudanayaashu sii wadi doonan su’aalo weydiinta guddoomiyaha dhismaha hay’adaha daraasaadka badaha Soomaaliya, halka maalinta arbacada ah ay xildhibaannadu ka doodi doonaan habka loo marayo diyaarinta nidaamka axsaabta.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!