Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod u qaaday mooshin ay soo jeediyeen 15 xildhibaan, kaasoo lagu doonayey in sanad kasta isbadel lagu sameeyo gudoomiyaaha guddiyada baarlaamanka ee 16-ka ah.
Baarlamaanka ayaa laalay mooshinkaas kadib markii maanta cod loo qaaday, waxaana arrintaas ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Baarlamaanka waxaa manta soo xaadiray 143 xildhibaan, waxaana Prof. Jawaari sheegay iney codkooda dhiibteen ilaa 133 oo kaliya.
“Kulanka waxaa goobjoog ka ah 143 xildhibaan, waxaana 133 mudane, waxaa mooshinkaas taageeray 21 xildhibaan, waxaa diiday 88, waxaana ka aamustay 24, waxaana muuqata in 10 xildhibaan aysan codeyn” ayuu yiri gudoomiye Jawaari.
Prof. Jawaari ayaa sheegay in mooshinkaasi uusan meel marin, sidaas darteedna aan sanad kasta wax laga badeli dooni guddiyada baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa iclaamiyay in maalinta berri laga doodi doono nidaamka axsaabta, si sanadka 2016-da dalka looga hirgeliyo doorasho xor ah oo ay ka qeyb galaan Axsaabta Siyaasada ee dalka.
Mareeg.com