Baarlamanka Soomaaliya Oo Dhageystay Akhrinta Ugu Dambeysay Ee Sharciga Kheyraadka Dalka

Muqdisho – (Mareeg.com): Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta markii ugu horreysay dhageystay warbixinta gudiga Beeraha iyo Kheyraadka Dalka ee Hindise sharicyeedka Kulluumeeysiga dalka oo ay soo gudbisay wasaaradda Khayraadka, islamarkaana maraya marxaladiisa ugu dambeysay.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha gudiga beeraha iyo khayraadka baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudanayaasha u akhriyey qodobada hindise sharciyeedka ee ay wax ka bedeleen.

Xildhibaan Goodir oo isna ka mid ah xubnaha gudiga Beeraha iyo Kheyraadka oo mudaneyaasha Baarlamaanka usii faah faahiyey qodabada ay gudigooda wax ka bedelka kusoo sameeyeen ayaa sheegay iney meesha ka saareen qodobo uu ka mid ahaa qodobka 2-aad firqadiisa 4-aad oo tilmaamaysay cabbirka Soodinta biyaha dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay iney qodobkaas gabi ahaanba ka saareen sharciga isla markaane ay u daayeen go’aanadii ay ka gaareen baarlamaanadii hore ee dalka.

Maalinnimada berrito ah ayey mudaneyaasha Baarlamaanku guda geli doonaan ka doodida qodobbada ay wax ka bedelka kusoo sameeyeen gudiga Beeraha iyo Kheyraadka Dalka, ayadoo gudoonka Baarlamaankana uu usoo jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka in xilli hore ay soo xaadiraan maadaama sharcigan uu muhiim u yahay wax soo saarka Dalka.

Mareeg.com