Baarlamanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Miisaaniyadda 3-da Bilood Ee Ugu Horreeya Sanadka 2014 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Miisaaniyadda 3-da Bilood Ee Ugu Horreeya Sanadka 2014

Muqdisho, Mareeg.com: Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda saddex bilood ee ugu horreysan sannadkan cusub 2014-ka, iyadoo kulanka uu goob-joog ka ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan.

Baarlamaanka ayaa cod u qaaday miisaaniyadda 3-da bilood ee ugu horreysa 2014, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in 169 ka mid ah xildhibaannadii ku codkooda dhiibtay ay ogolaadeen miisaaniyadda, hal mudane uu diiday laba ay aamuseen, wxuuuna sheegay in miisaaniyaddu ay ansax tahay.

Miisaaniyadda baarlamaanku ansxiyay ayaa waxay gaaraysaa $56,282,615 doollar (Konton iyo lix milyan, laba boqol sideetan iyo laba kun iyo lix boqol iyo shan iyo toban doollar), iyadoo miisaaniyaddan ay tahay mid ku qoondeysan 10-kii wasaaradood ee xukuumaddii hore, waxaana la filayaa in miisaaniyaddu ay intan ka badan doonto maadaama la qorsheynayo in wasaaraha la soo dhisayo la kordhiyo.

Sii hayahya wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo intii aan miinsaaniyadda la ansixin hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inaysan jirin mushaaraad sannadkii tagay ee 2013-ka ka maqnaaday shaqaalaha dowladda oo ay wasaaraddiisu og-tahay, isagoo ku daray hadalkisa in dowladdu ay muddo 23-sano kaddib si dhammeystiran u bixisay mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo la dardaarmay wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in hantida shacabka lagu bixin karo oo keliya go’aanka baarlamaan, si kalena aysan kaga bixi karin qasnadda dowladda.

Ansixinta miisaaniyaddan ayaa kusoo begantay xilli aysan jirin xukuumad rasmi ah, iyadoo wasiirada xilalka haya yihiin ku simiyaal maadaama R/wasaarihii soo magacaabay la badelay, R/wasaaraha cusubna ku guda jiro soo xulashada xubnaha xukuumadda cusub.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!