Baarlamanka oo ansixiyey heshiis milateri oo dhexmaray Soomaaliya iyo Taliyaaniga

Mareeg.com: Baaralamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansxiyey heshiis milateri oo ay dowladda Soomaaliya la gashay dalka Taliyaaniga. Sidoo kale, waxaa xildhibaanadu ansixiyeen Xisaab Xirka dowladda Soomaaliya ee sanadkii 2013.

Heshiiska milateri ee dowladda Soomaaliya iyo Taliyaaniga u codeeyey 134 xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan, halka 1 kaliya uu ka aamusay.

Xisaab xirka dowladda Soomaaliya ee sandkii 2013 waxaa ogolaaday 135 xildhibaan, waxaa diiday 4, waxaa ka aamusay 15 xildhibaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in labadaas qorshe ee baarlamaanka la horkeenay ay ansax noqdeen.

Dhanka kale, baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay dood siyaasadeed oo albaabadu u xiran yaihiin, kuna saabsan amaanka, siyaasadda dalka, iyo hisgiga 2016.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245