Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu maanta u jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, kaasoo ahaa in 10-ka cisho oo dheeraad ah la siiyo si uu dhameystiro xukuumaddiisa.
Dood dheer kasdib baarlamaanka ayaa cod u qaaday in la ogolaado codsiga RW iyo inkale, waxaana markii dambe baarlamaanku u codeeyey in 10 maalmood la siiyo RW.
Ilaa 139 xildhibaan ayaa u codeeyay codsiga Ra’iisul Wasaaraha, halka 47 Xildhibaan ay diideen codsigaas, waxaana natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo mar kale sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto 10 cisho dheeraad ah oo uu ku soo dhameystirayo Xukuumadiisa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga sugayaa in 20-ka Wasiir uu ku daro 5 Wasiir, si uu ula jaanqaado Miisaaniyada dowladda oo ku jaan-goan 25 Wasaaradood, kuxigeenadooda iyo Wasiiru dowlayaal.
Mareeg Media