Baarlamanka Somalia dood dheer ka yeelanaya mooshinka ka dhanka ah RW Cabdilweli

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan dood ah ka yeelanaya mooshinka codka kalsoonida loogala noqonayo RW Cabdiweli iyo xukuumadiisa.

Dooda baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaaa iney maanta noqoto mid dheer oo qaatada saacado badan sida uu sheegay gudoomiyaha baalamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

“Khamiista waxaan dood ka yeelan doonaan mooshinka ka dhanka xukuumadda, waqti kasta hanagu qaadato, ilaaa habeenkii xitaaa haa gaarto” ayuu yiri Prof. Jawaari.

“Maalinta sabtida ah, waxaan rabnaa in mooshinka cod la geliyo, maa doonayo in arrinta mooshinkaaasi dhaaafto sabti, hadii khamiista doodu ku dhaman weydo gelinka hore ee sabtida ayaa dooda dhameystireynaa, galabta sabtidana mooshinka ayaa codka loo qaadayaa” ayuu sidoo kale Jawaari.

Xildhibaanada feker ahaan taageersan mooshinka iyo kuwa kasoo horjeeda ayaa dood ka dhiiban doona mooshinka laga keenay RW Cabdi Weli iyo xukuumaddiisa.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245