Baarlamanka Puntland Oo Maanta Dooranaya Madaxweyne Iyo Madaxweyne Ku-xigeen

Read Time:48 Second

Garowe, Mareeg.com: Golaha Wakiilada Puntland ayaa manta u fariisanaya doorashada madaxweyne goboleedka iyo ku xigeenkiisa oo ay u taagan yihiin ilaa 21 musharrax oo u kala tartamaya labada xil.

Xubnaha golaha baarlamaanka Puntland iyo musarraxiinta 21-ka ah ayaa durba tegay xarrunta golaha Wakiilada, iyadoo la filayo in isla maanta la doorto madaxwyenaha iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, waxaa hoolka doorashadu ka dhaceyso ku sugan duubabka dhaqanka Puntland, culumo iyo xubno ka socda bulshada rayidka.

Sidoo kale, waxaa doorashada goob joog ka ahaan doona safiiro ka socdey dalalka Midowga Yurub sida UK, Norway iyo Spain. Sidoo kale waxaa ku sugan Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban ki Moon uga wakiilka ah Soomaaliya Nocholas Kay, Ergayga IGAD ee Soomaalitya Ambsador Maxamed Cabdi Afey iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa aad loo adkeeyey amaanka magaalada Garowe, waxaana gebi ahaanba la joojiyey gaadiidka magaalada ka shaqeeya, sidoo kale waxaa maanta la hakiyey gaadiidka isaga kala goosha woqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya ee mara Garowe.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.