Baarlamanka oo meel mariyey hindise sharciyeedka Golaha Adeega Garsoorka

Muqdisho – Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey Hindise Sharciyeedka Golaha Adeega Garsoorka, kaasoo wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalku baarlamaanka horgeysay.

Baarlamaanka oo dood ka yeeshay xubnaha golahaas ayaa maanta cod u qaaday, waxaana codkooda dhiibtay 147, xildhibaan waxaa Golahaas u codeeyey 79 xildhibaan, waxaa diiday 59, waxaana ka aamusay 9 kale, sida waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa joogay xarrunta baarlamaanka, markii hindise sharciyeedkaas la meel marinayey.

Hindise sharciyeedka ayaa dhigya in Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya ka koobnaanayaan 9 xubnood.

Mareeg Media

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245