Baarlamanka oo maanta cod u qaadaya xukuumada RW Cumar

Mareeg.com: Baarlamaanka Federaalka ah oo maanta kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ayaa kaga hadli doono sidii codka loogu qaadi lahaa Xukuumadda uu dhawaan soo dhameystiray Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka uu yahay cod u qaadidda barnaamijka Xukuumadda.

“Maanta oo ay taariikhda ku beegantahay 9-ka bisha Febraayo sanadka 2015, waxaa jira kulanka baarlamaanka, ajanduhuna waxa uu yahay in golaha la horkeeni doono xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si codka loo geliyo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudanayaasha Baarlamaanka ay codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumadda, hase ahaatee waxaa jira xildhibaano badan oo mucaaridsan xukuumadda cusub oo ka kooban in ka badan 60 xubnood.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245