Baarlamanka Oo Loo Qeybiyey Mooshinka Ka Dhanka Ah R/wasaare Saacid Iyo Dooda Oo Waqti Loo Qabtay

Read Time:1 Minute, 5 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Saacid ayaa manta loo qeybiyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana markaas kadib baarlamaanka ka abuurmay buuq ay sameeyeen xildhibaanada taageersan R/wasaare Saacid.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray ilaa 230 xildhibaan, waxaana shir gudoominaya Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari oo ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu hor yaalo mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo khamiistii loo soo gudbiyay gudoonka.

Buuqa ayaa la sheegay inuu ka dhashay iyadoo aan mooshinka lasoo raacin magacyada xildhibaanada saxiixay mooshinka oo tiradooda lagu sheegay ilaa 168 mudane, waxaana Xildhibaanada taageersan Ra’iisul wasaaraha ay dalbadeen in mooshinka lagu lifaaqo magacyada saxiixayaasha mooshinka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan Saacid ayaa la sheegay iney isga baxeen hoolka shirarka Golaha Shacabka, iyagoo ka caraaday sida wax u socdaa.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in mooshinka laga doodi maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 30-ka November, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan shakiyo Xildhibaanada ka qabaan tirada rasmiga ah ee saxiixday Mooshinka.

Sidoo kale Gudoonka ayaa ku wargeliyay xildhibaanada in isla sabtida loo soo gudbinayo magacyada liiska Xildhibaanada saxiixay mooshinka, kaasoo keenay in mudanayaasha taageersan Ra’iisul Wasaaraha ay buuqaan.

Xildhibaanada taageersan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa ay u dhaqaaqeen dhanka Hoteelka City Palac, halkaasi oo la filayo iney ku qabtaa shir saxaafadeed.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %