Baarlamanka Jarmalka oo ogolaaday in tababarayaal ciidan loo diro Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka Jarmalka oo ogolaaday in tababarayaal ciidan loo diro Soomaaliya

Berlin – Mareeg.com: Baarlmaaanka Jarmalka ayaa ogolaaday in xukuumadda dalkaasi tababaraayl ciidan u diri karto dalka Soomaaliya, arrinkaas oo baarlamaanka iyo axsaab siyaasadeed diidanaayeen.
Kadib Kulan balaaran ay yeesheen baarlamaanka dalka Jarmalka ayey isku raaceen in dalka Soomaaliya loo diro Saraakiil ciidan oo gaaraya ilaa 20-Sargaal kuwaa oo tababar siinaya ciidanka dowlada Soomaaliya loogu tababarayo gudaha dalka.
Xildhibaanada ansixintooda marka laga soo tago dhanka kooxaha mucaaradka ayaa waxay kasoo horjeesteen in ciidamadaasi loo diro dalka Soomaaliya.
Ciidamada Jarmalka ayaa dalka Uganda tababar ku siinayay ciidamada dowlada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2010, laakiin ciidamadaasi ayaa ka haray markii howlgalka loosoo wareejiyay bishii December sanadkii lasoo dhaafay dalka Soomaaliya.
Saraakiishan Jarmalka kasocda ayaa ku biiraya saraakiil kale oo kocotada wadamada Midowga Yurub kuwaa oo ku sugan Muqdisho, dowladana u tababara diidanka milateriga.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!