Baarlamanka Federaalka oo cod u qaadaya baarlamanka Juba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka Federaalka oo cod u qaadaya baarlamanka Juba

Mareeg.com: Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay guda-galaan u coddeynta mooshinka ka dhanka ah golaha wakiillada Maamulka KMG ee Jubba ee qaabka loo dhisay cabasho badan ka timid.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlay Warbaahinta yaa sheegay in mudanayaasha Baarlamanka ay u coddeen doonaan maanta meelmarinta ama diididda golaha wakiillada maamulka Jubba.

“Maanta oo sabti ah taariiqduna ay tahay 23’ka bisha may Barlamaanka waxa uu u coddeyn doonaa golaha wakiillada maamulka KMG ah ee jubba iyo akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka shaqaalaha shisheeye” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

“Sida aad ka warqabtaan kulankii lixaad ee kala fadhigii lixaad ee qabsoomay 20 tankii bishan waxaa jirtay dood ku saabsaneyd mooshinkaan oo horay loo aqriyay, maanta hadaan isbadal guddoonka Barlamaanka samayn waxaa loo codayn doonaa mooshinkaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Baarlamaanka Juba oo la dhisay bishii hore ee April, uuna caleema-saarka gudoomiyihiisa Kismaayo uga qeybgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federaalku waxey ka geeyeen mooshin, kaasoo horay baarlamaanku uga dooday.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!