Baarlamanka federaalka ah oo u codeynaya mooshinka ka dhanka ah baarlamanka Juba

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka muddo todobaad kadib ayaa lagu wadaa in looga hadlo ajandayaal dhowr ah oo uu ka mid yahay u codeynta mooshin ka dhan ah baarlamaanka maamulka Juba oo sharcinimadiisa dood ka jirto.

Habdhowraha Baralmaanka Xildhibaan Maxamed Cumar oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankii ugu dambeeyey ay baarlamaanka ka hadleen in cod la geliyo codsiga Ra’iisul wasaaraha, inkasta oo uusan buuxsamin kooramkii loo baahnaa, waxaana uu intaa ku daray in ajandaha uu yahay sidii cod loo gelin lahaa mooshinka laga keenay Wakiilada Maamulka Jubbaland.

“Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegantahay 1-da bisha June, ajandayaasha waxaa ka mid ah u codeynta mooshinka Jubooyinka, akhrinta koowaad ee sharciyeynta shaqaalaha shisheeye iyo saxaafadda” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Lama oga go’aanka kasoo bixi doona baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in go’aan kasta ee soo baxa uu muran hor leh abuuro.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.