Baarlamanka Federaalka Ah Oo Bogaadiyey Baarlamaan Goboleedka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamanka Federaalka Ah Oo Bogaadiyey Baarlamaan Goboleedka Puntland

Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey golaha cusub ee wakiilada Puntland, kuwaasoo dhawaan dooranaya madaxweynaha maamulkaas.

“Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu hor iyo horaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo uu ku ammaanayo sidii quruxda badneyd ee ay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 04-January-2014 u qabteen doorashada Gudoomiyaha Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku xigeennadiisa” ayaa lagu yiri war kazoo baxay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

“Tallaabada ay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ku doorteen Afhayeenkooda iyo labadiisa ku xigeen waxa ay ka turjumeysaa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed waxaana uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyo u dirayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ee la doortay walaalkeen Saciid Xasan Shire, ku xigeenkiisa Koobaad C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Xuseen Yaasiin Xaajiga” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeed kazoo baxay baarlamaanka federaalka ah.

“Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire waa nin aynu aaminsannahay in uu si hufan u gudan doono waajibaadka loo igmaday maadaama uu kusoo dhex jiray siyaasadda dalka in mudo ah lagasoo bilaabo sanadkii 2000 oo uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka dowladdii TNG ee lagusoo dhisay Carta Djibouti,sidoo kalena uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMGka ahaa islamarkaana uu xilal heer Wasiir ah kasoo kala qabtay Xukuumadihii KMGka ahaa iyo Dowlad Goboleedka Puntland” ayaa sidoo kale ka mid ahaa bayaanka Baarlamaanka.

“Nidaamka, degenaanshaha iyo daahfurnaanta ay doorashadu u dhacday ma ahan kaliya mid uu ku ammaananyahay Golaha Wakiillada Puntland ee waa sharaf weyn oo usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna shacabka Puntland taasina waxey marqaati u tahay in Soomaaliya ay awood u leedahay maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan” ayaa sidoo kale ka mid ahaa warka baarlamaanka.

“Waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu u fududeeyo waajibaadka iyo howlaha shaqo ee horyaala Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, ku xigeennadiisa iyo Xildhibaannadaba oo ay ugu horeyso qabashada doorashada Madaxtinimo ee Puntland, waxaan sidoo kale ku boorineynaa gobollada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aanay weli ka hirgelin nidaamka Federaalka iyo dhisida dowlad goboleedyada iney ku daydaan walaalahooda Puntland ugana daydaan hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda” ayaa lagu soo gebagebeeyey war-saxaafadeedka baarlamaanka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!