Baarlamaankii Juballand ee la kala diray oo beeniyay in ay ku dhisan yihiin sharci darro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaankii Juballand ee la kala diray oo beeniyay in ay ku dhisan yihiin sharci darro

Axmed iftin oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ee dhawaan uu kala diray Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyay in lagu soo xulay qaab aan cadaalad ahayn.

“ waxaa u dhan Baarlamaanka Jubbaland dhammaan beelaha Dega Jubbooyinka iyo Gedo, waxa meelaha been abuurka wada waa dad aan u dhalan deegaanka oo xoog wax ku doonaya iyo kuwa aan nasiib u helin in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Jubbaland” ayuu yiri Axmed iftin.

Hadalka Mr Iftin oo ka tirsan Baarlamaanka la laalay ayaa yimid ka gadaal markii dhawaan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya gebi ahaan uu kala diray Golihii Wakiilada Maamulka KMG ah ee Jubba taas oo abuurtay xiisad xoogan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.