Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha

June 28 (Mareeg)Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha la xiriira xuduudaha iyo arrimaha federaalismka.

 

Sida ay sheegayaan wararka Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka dalbadayWasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen inuu Baarlamaanka hor-yimaado.

 

Wasiirka ayaa horay looga yeeray Baarlamaanka, xilligii laga doodayay mooshinkii ka yaallay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, kaasoo markii dambe Xildhibaanada ay meel mariyeen.

 

Inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ku maqan yahay magaalada Cadaado oo uu u joogo howlaha dhameystirka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa laga sugayaa in codsiga ka soo jawaabo, isla markaana uu Guddoonka u soo gudbiyo waraaq uu ku cadeynayo xilliga uu hor-imaanayo.

 

Kulankii maanta ee Baarlamaanka uu ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ku hor-yimid Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Wasiirka wax ka weydiiyay arrimaha garsoorka iyo qaab dhismeedka Golaha adeega Garsoorka, oo dhowaan Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga madaxa banaan ee Garsoorka, kaasoo ka mid ahaa Guddiyo dhowaan Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay loogaga yeerayay Wasiirada Xukuumadda, kuwaasoo su’aalo laga weydiinaya howlaha ay hayaan, waxaana tallaabadan la sheegay inay qeyb ka tahay la xisaabtanka Xukuumadda.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!