Baarlamaanka Soomaaliya Oo Qalab Ka Helay Xafiiska Siyaasadda Amisom

Read Time:1 Minute, 7 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Kunbutuutaro iyo agab kale oo Teknoolajiyada loo isticmaalo ka helay qeybta siyaasadda ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Mohamed Sallah Annadif oo madaxa howlagalka AMISOM ayaa qalabkan ku wareejiyey Guddiyada Amniga Qaraanka iyo Arrimaha Gudaha e baarlamaanka Soomaaliya.

Deeqdan ayaa waxaa lagu wareejiyay guddoomiyaha guddiga ammaanka iyo arrimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya, Fowsiyo Maxamed Sheekh oo AMISOM uga mahad celisay deeqdan.

Deeqdan waxey qayb ka tahay mashruuc saddex weji ah oo AMISOM ku xoojineyso awooda shaqada ee guddiyada Baarlamaanka Federaalka ah sida lagu sheegay war ka soo baxay AMISOM.

Wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anadiif, isagoo sheegay inay ka go’an tahay caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Kaalmadan waxay u sahlaysaa baarlamaanka in guddiyadu si fudud howlihooda ku qabsadaan, waa mid qayb ka qaadanaysa dib u dhiska iyo xoojinta howlaha guddigan,” ayuu yiri dajire Annadif.

Waa markii labaad oo AMISOM ay deeq noocan oo kale ku wreejiyaan guddiga iyadoo wajigii hore ee howshan oo sannadkii la qabtay siminnaar socday afar casho siiyay xubnaha guddigan iyo xildhibaanno baarlamaanka kuwaasoo tiradoodu gaaraysay 39-qof.

Bishii September ee sannadkii hore AMISOM waxay deeq ka koobnayd 45 kambiyuutarro, 45-shaahadood, kuraas iyo miisas ay ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %