
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa xildhibaanada Baarlamaanka maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 29-ka bisha September 2018, uga hadli doonaan sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro kulanka Baarlamaanka,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu furmo kulanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulanka ay yeelan lahaayeen 26-kii Bishan September waxa uu u baaqday Kooram la’aan.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay,iyadoona Ciidamada amniga ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka.