Sidoo kale kulankii maanta ayaa mudanayaasha Baarlamaanka loo akhriyay heshiiskii dhanka difaaca oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo heshiiskaasi oo faah faahsan uu akhriyay xoghayaha guddiga difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Xuseen Xagaafe.
“Heshiiskii arrimaha iskaashiga difaaca ku saabsanaa ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaan helnay nuqulkii runta ahaa ee la soo saxiixay, qodob qodob markii aan isku fiirinayay heshiiska naloo soo gudbiyay ee Soomaaliga iyo kan afka-qalaad, dib u habeyn ayaan ku sameynay” ayuu yiri Xildhibaanka.
Akhrinta kaddib ayay Xildhabaannada Baarlamaanka waxa ay ka hadleen xaaladda dalka uu marayo iyo sharciyada horyaalla Baarlamaanka, waxayna codsadeen in la xoojiyo wada shaqeynta Xildhibaannada dhexdooda ah.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo soo xiray shirka ayaa sheegay in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka lagu meel marin doono xisaab xirka miisaaniyadda 2013-ka iyo heshiiska dhanka difaaca ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.
“In aan meel marino xisaab xirka, waxa la meel marinayo waxa ay tahay soo jeedinta guddiga, tan kale waxaan rajeyneynaa in arrintan ay noo soo gabo gabowdo maalinta isniinta ah ee soo socoto” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.