Baarlamanka Soomaaliya oo bilaabay ka doodista miisaaniyadda dowladda ee 2015

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay ka doodista Miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda 2015. kaadoo ay korgeysay wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka barlamaanka Soomaaliya oo uu shir gudoominaayay guddmooiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbixin looga dhegeystay guddiga Maaliyadda ee Barlamaanka Soomaaliya oo gacanta ku haya Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maalliyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddig Maalliyadda ee Barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Suleymaan  Maxamed Sheekh Daahir oo kulanka Barlamaanka  ee maanta ka hadlay ayaa sheegay in guddiga uu wax ka bedel ku sameeyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2015.

Guddoomiyaha Guddiga Maalliyada ayaa sidoo kale sheegay in daraasad iyo dib u eegis ku sameeyeen Miisaaniyadda, isagoo intaa ku daray in diyaarinta Miisaaniyadda ay u baahan tahay waqti dheer si looga baaran dego wax kasta oo ku jira Miisaaniyadda.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa fikirkooda ka dhiibtay Miisaaniyadda 2015.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa gebgebadii kulanka sheegay in dooda Miisaaniyadda ay socon doonto ilaa  beri ah, isagoo intaa ku daray in Barlamaanka uu u yeeray Wasiirka Maalliyadda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas si wax looga weydiiyo Miisaaniyadda 2015.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245