Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay dhulka Somaliland ka heysato * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshay dhulka Somaliland ka heysato

Mareeg.com: Baarlamaanka maamulka Puntland oo ku guda jira kalfadhigooda 34-aad ayaa maanta ka dooday dhulka Puntland ka maqan mudda dheer ee gacanta ugu jira maamulka Somaliland oo sheegtay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga dooday deegaanada Somaliland maamusho ee ay ka mid yihiin gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Baarlamaanka ayaa soo bandhigeyey qaababka lagu wajihi kero dib u soo celinta dhulka ka maqan gacanta Puntland.

Dood baarlamaanka ayaa lagu soo qaaday in dib loogu soo celin karo dhulka Puntland ha heysato Somaliland arrimaha kala ah:

1. In la taageero Guddiyada xukuumadu u magacowday soo celinta dhulka maqan.

2. In la sameeyo Guddiyo barlamaanka katirsan oo keena tallooyin ku saabsan sida loosoo celin karo dhulka maqan.

3. In loo yeero madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si wax looga weydiiyo balanqaadyadoodii ahaa xoraynta gobolada maqan.

Gobolada Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxaa sheegta maamulka Punland, Somaliland iyo Khaatumo, waxaana inta badan dhulkaas maamulka Somaliland.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!