
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa Guddoonka ka dalbaday in Golaha la fariisiyo Kulan deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ka jirta Puntland.
Xildhibaannada oo u badan kuwa mucaaradsan Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan diyaarinaya mooshin aan weli faahfaahin laga helin ujeedkiisa.
Xildhibaannada qaarkood oo si hoose warbaahinta ula xiriirtay ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda jirta islamarkaana ay doonayaan in Puntland la badbaadiyo.
Xildhibaanada ayaa damacsan iney tuuraan madaxweyne Saciid Deni iyagoo sheegay inuu safaro maalaayacni ah ku bixinayo kenya isagoo qorsheynaya inuu aado dalka Imaaradka Carabta.
Puntland ayaa lasoo diristay amni darro baahsan iyadoo maciishada ay qaaliyowday taa oo dadka ay ku sababayeen maamul xumida dhanka dhaqaalaha ee Saciid Deni.
Sidoo kale waxay sheegeen in Guddoonka Baarlamanku aysan weli aqbalin codsiga ka yimid xildhibaannada ee ku saabsan in Golaha la fariisiyo Kulan aan caadi ahayn.