
Waxaa maanta Golaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland ay u codeeyeen wax ka badal lagu sameeyay xeer-hoosadka Golahaas sida Mooshinka laga Gudbinayo Guddoomiyahooda oo markii hore ay soo jeedin kareen 34 Xildhibaan ayaa laga dhigay 44-mudane.
Waxaa Xeerkaan saddex meel labo meel (3/2) uu dhigayaa in Madaxweynaha DG Puntland soo jeedintooda uu ku weyn karo Xilka, haatan waxaa lamid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maadaama Golahu aqbalay soo jeedintaas.
Fahdiga waxaa soo xaadirtay 52 Xildhibaan waxaa Ansixinta Xeerkaan u codeeyay 38-Xildhibaan, 10 ayaa diidan halka ay ka aamuseen 4-kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Wax kabadalka Xeer Hoosaadkaan waxaa soo Gudbiyay Guddiga Shuruucda & Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Aqrin kadib Golaha Wakiilada ayaa loo qaybiyay ugu dambeyn maanta u codeeyay.
Ujeedka rasmiga ah ee keenay isbadalkan ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo in xilka laga qaado gudomiyaha Baarlamaanka Puntland oo daacad u ah xukuumadda Puntland .
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Xildhibaanada qaar ay diyaariyeen mooshin laga keeni doono xukuumadda Deni ee fadhiidka ah oo aysan ku qanacsaneyn shacabka reer Puntland islamarkaana cadaadis xoog leh kala kulmaya madaxtooyada Puntland.
Wasiirada Xukuumada Puntland qaarkood waxay u dhaqmaan inay yihiin xoghaynta madaxweyne Deni.
Muqdisho-Somalia