Baarlamaanka Puntland o qorsheynaya iney baabi’iyaan heshiiska DP World

Read Time:45 Second

Ku dhawaad 50  xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, ayaa doonaya in mooshin lagu buriyo Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, sida ilo wareedyo katirsan Baarlamaanka ay xaqiijiyeen.

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka, oo aan rabin in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta u sheegay in 41 mudane diyaar u yihiin Mooshinka lagu burinayo Heshiiska DP World.

Mooshinkaas ayaa u muuqda mid xooggan oo aysan waxba ka qaban karin Guddoonka Baarlamanka iyo Xukuumadda midna, islamarkaana meesha ka saari doona Heshiiska P&O Port.

Shirkadda P&O (DP World) ayaa heshiis kula wareegtay dekedda Boosaaso sannadkii 2017 xilligaas oo ay sheegtay in ay mudda laba sano ah ku dhisi doonto, balse weli wax shaqo ah kama qaban.

DP World oo Imaaradka Carabta laga leeyahay ayaa la rumeysan yahay in maamulka Saciid Deni ay taageero siiso islamarkana wax shaqo ah aysan ka qaban arrimaha loo igmaday.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Average Rating

5 Star
0%
4 Star
0%
3 Star
0%
2 Star
0%
1 Star
0%

Leave a Reply

Instagram did not return a 200.