Baarlamaanka oo maanta soo gabagabyn dooda mooshinnka ka dhanka ah Saacid

Read Time:34 Second

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sii ambaqaadayo dooda ku aadan mooshinka ay soo gudbiyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka oo goordhaw oo maanta ah lagu wado inuu ka furmo Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaanada waxa ay sii guda geli doonaan dooda mooshinka.

Waxaa la filayaa in isla maanta lasoo gaba-gabeeyo dooda mooshinka Xildhibaanada, iyadoo aan la ogeyn isla maanta in codka kalsoonida looqaadayo Xukuumadda iyo inkale.

Xildhibaano gaaraya ilaa 30-Xildhibaan ayaa hadli doona, kuwaasi oo kamid ah 83-Xildhibaan oo daraad isku diiwaangeliyay inay ka hadli doonaan arinta ku aadan mooshinka Xukuumadda.

Caalamka iyo Soomaalida dhan ayaa isha ku haaya Baarlamaanka iyo natiijada kasoo bixi doonta.
barliament

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %