Baarlamaanka oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka Isgaarsiinta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka Isgaarsiinta

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho ayaa kaga doodi doono Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in golaha laga hor akhrin doono hindise sharciyeedka Isgaarsiinta dalka oo ay baarlamaanka soo hordhigeen Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka, kaasi oo mari doono akhrinta labaad.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in hindise sharciyeedkan uu baaqday dhowr jeer oo hore, isla markaana uu maanta mari doono akhrinta labaad.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala shirkado isgaarsiineed oo gaar ah iyadoo shirkadaha Isgaarsiintuna ay yihiin kuwo ku faafay dalka oo idil.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!