Baarlamaanka Oo Maanta Go'aan Ka Gaaraya Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baarlamaanka Oo Maanta Go’aan Ka Gaaraya Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah go’aan ka gaarista Kiiska Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo muran ka dhex abuuray Baarlamaanka dhexdiisa.

Fariimo qoraaleed loo diray Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay in maanta  oo ah maalin Arbaco, Taariikhduna tahay 2 bisha August inay soo xaadiraan kulanka guud ee golaha shacabka, islamarkaana go’aan loogu gaari doono wasiirka Dastuurka.

“Mudane Xildhibane, berri oo ah Arbaco Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka.

Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka”ayaa lagu yiri fariimo qoraaleed Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya u diray Xildhibaanada.

Kulanka maanta ayaa daba-socda kulan Axadii aynu soo dhaafnay ay yeesheen Xildhibaanada Golaha shacabka islamarkaana uu kulankaas ka cudur-daartay Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, kulankaas oo lagu doonayay in su’aalo lagu weydiiyo kuwaasi oo la xiriiray sababtoo ugu hor yimaaday Go’aanka Golaha shacabka.

Guddiga Joogtada ayaa la filayay inay go’aan ka gaaraan Arrinta Wasiirka Arrimaha Dastuurka, inkastoo go’aan ka gaaristiisa ay soo hor-dhigeen kulanka Guud ee Golaha shacabka oo maanta looga doodayo.

Dhanka kale C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ay go’aan ka gaarayaan  Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya xil heyntiisa ayaa dalka ka maqan wuxuuna safar caafimaad uu u aaday wadanka Turky-ga.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhawaanahaan qoraalo uu soo dhigayay bartiisa bulshada ku weerarayay Baarlamaanka Soomaliya, taasoo xiisada u dhaxeysa isaga iyo Baarlamaanka cirka sii gelineysay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!